daajis.com:- Kooxda Daacish, ayaa sii deysay video u muuqda inuu muujinayo sagaal mintidiin ah oo ka qeyb galay weeraradii argagixiso ee magaalada Paris, iyo gowraca iyo dilka maxaabiis ku sugnaa Ciraq iyo Syria.
Video-gan ayaa waxaa ku jira qeybo ka mid ah weeraradii November ee Paris, waxaana uu ku tilmaamay kuwii ka qeyb galay weerarka inay ahaayeen “Libaaxyo”, jilbaha dhulka u dhigay France.
Dhammaan sagaalka mintid, ayaa ku naf waayey weerarka, ama weeraro ay booliiska qaadeen kadib weerarka.
Xigjiriinta fuliyey weerarkan oo badankood ka yimid Belgium ama France, ayaa ugu yaraan 130 qof ku dilay qaraxyo iyo xabado lala beegsaday dhowr goobood oo ka mid ah magaalada Paris.
HALAKAN KA DAAWO MUUQAALKA IYO WARBIXIN KU AADAN
Video-ga ayaa waxaa sidoo kale ku jira ra’iisul wasaaraha Britian David Cameroon, waxaana uu ka digay in kuwa aan Allaha aaminsaneyn ay “Bartilmaameed u noqon doonaan seefta kooxdan”.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 22:30 and have
