DAAWO:- Dhacdo Argagax iyo Xanuun Badan oo Aad la ilmeyn doonto, oo lagu arkay Baarka Xeebta Liido ee Muqdisho

DAAWO:- Dhacdo Argagax iyo Xanuun Badan oo Aad la ilmeyn doonto, oo lagu arkay Baarka Xeebta Liido ee Muqdisho

daajis.com:- Wariye C/casiis Africa oo tegay Makhaayadii Xalay la weeraray Liido Sea Food ayaa ka sheekeeyey Dhacdo uu la qaracmay oo ku soo arkay Goobtii uu weerarku ka dhacay.


“Waxaan hadda ka soo laabtay Maqaayadda Liido Sea Food oo lagu xasuuqay Maato. Waxaan dul istaagay Maydka Hooyo iyo Cunugeedii oo la isku dul dilay. Waxaan arkay tiro illaa 4 Dumar ah oo si arxan daran loo laayay. Waxaan kaloo.soo arkay illaa iyo 7 qof oo inta la safay kadibna rasaas lagu asqeeyay.

Waxaan intii aan meesha joogay akay hooyo dhimatay oo cunugeedii oo nool uu ka hooseeyay. Markii ay Ciidankii ka soo hoos bixiyeen Cunugaas Maydka Hooyadiis. Wuxuu waydiistay Ciidanka in Hooyadiisna loo soo toosiyo. Taasoo aan la qaracmay. Waxay sidoo kale Ciidanku halkaasi ka soo samatabixiyeen ku dhawaad 100 qof oo bad qaba oo uu ku jiro Xeer Illaaliye Ku Xigeenka Qaranka, Dr Maxamad Xasan Nuur.
Inta la ogyahay waxaa ku dhintay weerarkan 20 qof iyo 6 dii qof ee soo qaaday Weerarka, Maskaxdii ka dambaysay weerarkan wuxuu ku jiraa Gacanta NISA”.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada