daajis.com:- Magaalada Portland ee gobolka Oregon ee dalkaasi Mareykaka ayaa waxaa shalay lagu dhaariyay koox cusub oo boolis ah kuwaas oo ay ku jirtay gabar soomaaliyeed oo lagu magacaabo Zahra Ab taas oo noqoneysa shakhsigii ugu horreeyay oo soomaali ah kaas oo boolis loogu dhaariyo magaaladaasi.
Zahra, waxa ay ku dhalatay xeryaha qoxootiga Kenya, waxaana ay Mareykanka la gashay qoyskeeda iyada oo caruur ah halkaas oo ay uga qalijabsay jaamacadda Deering High and USM (University of Southern Maine).
Bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Portland ayaa soo dhaweeyay arrintan, waxaana ay ku tilmaameen guul usoo hoyatay jaaliyadda soomaalida ee gobolka Oregon.
Fatuma Hussein, madaxa ururka “United Somali Women of Maine” ayaa sheegtay in jagada boolisnimo ee loo magacaabay Zahra ay dhiirigelineyso dhallinyarada iyo dumarka soomaalida ee magaalada Portland, waxaana ay Zahra ku sheegtay gabar fir-fircoon oo jagadaasi u qalanta.
Magacaabista Zahra ee xilka boolisnimo ayaa imaaneysa xilli booliska Mareykanka guud ahaan, gaar ahaan gobolada ay ku badan yihiin soomaalida ay abaabulayaan dhalinyaro soomaaliyeed kuwaas oo boolis noqda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 21:45 and have


