Daawo sawir argagax ku galinaaya oo laga sameeyay weerarkii LIIDO

Daawo sawir argagax ku galinaaya oo laga sameeyay weerarkii LIIDO

daajis.com:- Farshaxaniistaha ku caan baxay soo bandhigida dhibta heysta Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda ku nool magaalada Muqdisho, ayaa Sawir gacmeed cajiib ah ka sameeyay dhacdadii xanuunka badnaa ee ka dhacday Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Dhacdadaasi ayaa waxaa majaraha u hayay diin laawayaal caado iyo dhaqan un ka dhigtay qubista dhiiga shacabka Soomaaliyeed kuwooda ugu itaalka daran Haweenka, Carruurta iyo kuwa loo yaqaan barimageytada.

Sawir gacmeedkaani ayaa waxaa lagu muujiyay qiyaanada ay adeegsanayaan kuwa majaraha u ah Hogaanka guud ee maleeshiyada Al-shabaab, kuwaasi oo dhar laga sameeyay waxyaabaha qarxa u xiray dhalinyaro la marin habaabiyay oo aan kala garan karin waxa ay u baahan yihiin iyo waxa iyaga looga baahan yahay.

Tan is weydiinta mudan ayaa ah in kuwa majaraha u ah Kooxda ay dhaleen Carruur la fac ah kuwa ay u adeegsanayaan Qaraxyada maxaa u diiday in Carruurtooda ay u adeegsadaan Qaraxyadaasi?

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada