DEG DEG:-Daawo Xaalada Buuhoodle oo maanta qasan & calanka Somaliland oo lagu gubay goob fagaare ah

DEG DEG:-Daawo Xaalada Buuhoodle oo maanta qasan & calanka Somaliland oo lagu gubay goob fagaare ah

daajis.com:- Banaan baxan oo lagaga soo hor jeeday maamulka Somaliland oo ahaa mid balaadhan ayaa waxa kasoo qayb galay waxgarad, aqoon yahano, culuma awdiin, siyaasiyiin, dhalinyaro, haween, ururada bulshada iyo weliba sidoo kale bulshada qaybaheeda kala duwan, iyagoona dhamaantood kusoo bandhigay shucuurtooda dareen iyo sida ay uga xun yihiin dhaq dhaqaaqyada ciidamada maamulka Somaliland ay kawadaan qaybo kamid ah gobolka Cayn.

Sidoo kale dad weynahani maanta banaan baxayey ayaa socod dheer kusoo maray qaybaha kala duwan ee magaalada Buuhoodle, iyagoona ku dhawaaqayey halku dhigyo lidi ku ah maamulka Somaliland iyo madaxda maamulkaasi Somaliland kuwaas oo ay kamid ahaayeen Buuhoodle Somaliland maaha, ha dhacdo Somaliland iyo erayo kale oo badan.

Dadkani banaan baxayey ayaa ugu dambeyntii iskugu soo biya shubtay garoonka kubadda cagta ee magaalada Buuhoodle halkaas oo ay masuuliyiin magac iyo maamuus ku dhex leh bulsha weynta gobolka Cayn ay hadalo kala duwan kasoo jeediyeen waxa ayna ku cadeeyeen dareenkooda in aysan marna raali ka ahayn in deegaanka Buuhoodle uu ka arimiyo maamulka Somaliland isla markaasna ay dad weynaha reer Buuhoodle ay iska kaashan doonaan sidii layskaga difaaci lahaa ciidamada maamulka Somaliland.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada