Putin oo Lagu eeDeeyay Inuu ka Danbeeyay Qaarijintii Alexander Litvinenko (VIDEO)

Putin oo Lagu eeDeeyay Inuu ka Danbeeyay Qaarijintii Alexander Litvinenko (VIDEO)

daajis.com:- Dowladda Britiann oo Mudo dheer waday Baaritaanka ku saabsan Dilka ninkii ka tirsanaa hay’adda sirdoonka Russia ee KGB Alexander Litvinenko, kaas oo Sanadkii 1999 usoo goostay dhanka Dowladda Ingariiska ayaa la soo ogaaday in madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin uu bixiyay amarka ka danbeeyay dilkii ninkaasi.

Alexander Litvinenko ayaa geeriyooday sanadkii 2006 kadib markii uu cabay koob shaah ah, oo danbi baaraha Robert Owen u sheegay in loogu daray sunta raadiyo aktivka ah ee la yiraahdo Poloniumka.

Waxa yar kahor inta uusan geeriyoon, ayaa Litvinenko isaga oo saaran sariirtii uu ku naf baxay, waxa uu ku eedeeyey Putin inuu bixiyey amarka lagu khaarijiyey.

Warbixin muddo la sugayey oo uu soo saaray, dacwad oogaha Robert Owen ayuu wuxuu Owen ku sheegay in Dmitry Kovtun iyo Andrei Lugovoi oo ka tirsanaa KGB-da, ay fuliyeen dilka oo ay maleegtay hay’adda FSB ee Ruushka, oo ah hay’adda beddeshay KGB.
Labadan nin ayaa waxa ay qirteen inay Litvinenko kula kulmeen magaalada London dhowr goor, oo ay ku jirto marka la tuhunsan yahay in sumeyntu ay dhacday, hase yeeshee waxa ay beeniyeen inay ku lug lahaayeen geeridiisa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada