daajis.com:- Taliyihii xukumayey ciidankii kenya KDF ee lagu weeraray xeradii Ceelcade Major Obwoge ayaa lagu waramayaa inuu kamid yahay askarta la laayey ama ugacan galay Alshabaab, Qooyska major Obwoge oo uwaramay mid kamida wargeysyada Kenya ayaa sheegay inay ugu war dambaysay isbuuc kahor markii weerarka xerada lagu qaaday.
Major Obwoge ayaa ahaa 32 jir ciidanka ku biiray sanadkii 2002 waxaana lagu qaatay xidigle.Sanadkii lasoo dhaafay wuxuu ka shaqeynayay degmada Mandera, waxaa Ceelcade la geeyay awalkii Bishii Janaayo ee sanadkan laba isbuuc un kahor weerarkii Ceelcade.
Weerarkii Ceelcade oo ahaa mid si weyn looga soo shaqeeyay ayaa qaybo is xig xigay ahaa waxaana weerarkii ugu horeeyay lala beegsaday xaruntii taliska iyo isgaadhsiinta oo ahayd halka ay saraakiisha xeradu ku sugnayd.
Alshabaab waxay sheegeen in ciidan kor udhaafaya 100 askari ku dileen weerarkan 12 askarina ku qabsadeen iyo waliba baabuur dagaal iyo hub, Sidoo kalana Kenya wali war rasmi ah kama aysan soo saarin tirada ciidanka kaga dhintay weerarkii Ceelcade iyo tirada laga qabtay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:00 and have
