daajis.com:- Ka dib markii colaad baahsan maleeshiyaadka Somaliland ku kiciyeen guud ahan deeganada Khaatumo State ee SSC, ayaa waxa bilowday olole military oo Khatumo uga falcelinayso weerarada gardadada, hawlgal la xidhiidhsan kii Balicad xalay fiidkii ka dhacay ayaa saqdii dhexe 3dii habeenimo wakhtiga geeska Afrika lagu ekeeyey fadhiisinka maleeshiyaadkaasi ku lee yihiin Kalabaydh, waxana loo gasyatay jab weyn ayadoo laga gubey baabuur dhawr ah, dhimashi iyo dhaawacna loo gaystay maleeshiyaadkoodii.
Wararka laga helayo saraakiishii hawlgalka horkacaysay ayaa sheegaya in maleeshiyaadkaas dabqabsaday saldhigii ay ku sugnaayeen, isla markaana khasaare nafeed gaadhay ciidankooda.
Dhanka kalena weerarkii fiid horaadkii lagu qaaday maleeshiyaadka godoonka ah ee Balicad duleedkeeda ku sugan ayaa sheegay in khasaarahoodu sii balaadhay, gadiid dagaalna ka gubteen maleeshiyaad badana uga dhinteen hawlgalkaas, halka kuwa Khaatumona hal askari ka dhaawacmay.
Wararkii ugu danbeeyey ee deeganada Khaatumo ayaa sheegaya in maamulku hada go’aamiyey in la bilaabo dibu xoreynta deegaanka, isla markaana dib loo dhigtay dhamaan hawlaha kale.
Kalshaale.com

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 18:30 and have
