DAAWO SAWIRADA:- Madaxweyne Xasan iyo shirka Midowga Afrika

DAAWO SAWIRADA:- Madaxweyne Xasan iyo shirka Midowga Afrika

daajis.com:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley furitaanka Shir Madaxeedka 26-aad Midowga Afrika oo maanta ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Shirka waxaa si rasmi ah u furtey Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini Zuma, oo khudbad ay jeedisay ku sheegtay in qaaradda Afrika ay tahay goob dadyow kala duwan ku nool yihiin, kuwaas oo hadafkoodu yahay inay ku noolaadaan nabad is xaqdhowr iyo horumar.

Waxay sidoo kale xustey in si nabad iyo xasilooni loogu soo dabaalo qaaradda ay askar badan oo Afrika u dhashey naftooda u huraan sidii ay colaadaha jira u demin lahaayeen.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon , oo isna kulanka khudbad ka jeediyay ayaa soo dhoweeyay doorka ciidammada AMISOM ee nabad ka aslaaxinta Soomaaliya iyo sid a ay waddanka uga taageerayaan sidii doorashooyin dimoqraadi ah oo nabadeed uga dhici lahaayeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Zimbabwe, Robert Gabriel Mugabe, ayaa isna xilkii guddoomiyenimada Midowga Afrika ee sannadkan ku wareejiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadd a Chad,Idriss Déby Itno.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isla maanta Shir Madaxeedka Midowga Afrika ka hor, waxaa uu guddoomiyay Shir Madaxeed gaar ah oo ay isugu yimaadeen waddamada xubnaha ka ah Taliska Ciidammada Deg-degga u hawlgala ee Bariga Afrika, kaas oo looga hadlayey colaadda dalka Burundi.

Madaxweynaha hadal uu ka jeediyay waxaa uu ugu baaqey shacabka iyo dowladda Burundi inay xal u helaan colaadda dalkooda ka taagan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada