Diyaaradaha dagaalka Ruushka oo markale ku xad gudbay hawada Turkiga

Diyaaradaha dagaalka Ruushka oo markale ku xad gudbay hawada Turkiga

daajis.com:- Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa uga digay Ruushka in uu la kumayo cawaaqib kaddib markii uu ku eedeeyay in diyaarad dagaal oo dalkaasi laga leeyahay ay mar kale ku soo xadgudubtay hawadooda sare.

Xukuumadda Ankara ayaa sheegtay in arrintan ay dhacday Jimcihii, waxa ayna sidoo kale sheegeen in duuliyaha Ruushka digniin horudhac ah loogu sheegay luuqadaha Ingariiska iyo Ruushka.

Ruushka ayaa eedeyntan ku tilmaamay mid aanan jirin, laakiin NATO ayaa ugu baaqaday Moscow in ay xurmeyso hawada sare ee dalalka xubnaha ka ah isbaheysiga NATO.

Bishii November, Turkiga ayaa soo riday diyaarad dagaal oo laga leeyahay Ruushka, iyaga oo sheegay in ay ku soo xadgudubtay hawada sare, arrintaas oo isku badashay dhibaato diblumaasiyadeed taa oo Ruushku cunaqabateyn dhanka dhaqaalaha ah uu ugu soo rogay Turkiga.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada