DAAWO: Turkiga oo Luuqad adag kula hadlay Ruushka kadib diyaarad kale oo soo gashay Hawada Turkiga (Warbixin)

DAAWO: Turkiga oo Luuqad adag kula hadlay Ruushka kadib diyaarad kale oo soo gashay Hawada Turkiga (Warbixin)

daajis.com:- Dowladda Turkiga ayaa mar kale ku eedeysay Ruushka in Jimcihii la soo dhaafay ku soo xadgudubtay Hawadooda, markii diyaarad dagaal ay soo gashay hawada meel ku dhow Xuduuda Suuriya, waxaana ay uga digtay cawaaqib xumada ka dhalan karta ficilkaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sheegtay in digniin horu dhac ah la siiyay duuliyaha diyaarada, isla markaana lagula hadlay afafka Ingiriiska iyo Ruushka, Sidoo kalana Xukuumadda Moscow oo ka jawaabeysay eedeynta Turkiga ayaa ku tilmaamay mid aan xaqiiqda ku saleysneyn oo been abuur ah.

Xiisada labada dal u dhaxeysa ayaa sii xoogeysanayay, tan iyo markii Turkiga uu bishii November ee sanadkii hore uu soo riday diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay.


HALKAN KA DAAWO VIDEO



Ruushka ayaa gooyay cilaaqaadkii Diblomaasiyadeed uu la lahaa Turkiga, waxaana uu ku soo rogay cunaqabateyn dhinaca dhaqaalaha ah, Dhinaca kale NATO ayaa ugu baaqday Ruushka inay dhowrto hawada dalalka xubnaha ka ah Isbaheysiga NATO.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada