Daawo Sawirada:- Madaxweyne Xasan oo shir guddoomiyay shirkii madaxda bariga Africa

Daawo Sawirada:- Madaxweyne Xasan oo shir guddoomiyay shirkii madaxda bariga Africa

daajis.com:- Madaxweyne Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay shir madaxeed gaar ah oo madaxda Bariga Afrika ee xubnaha ka ah taliska cidammada deg-degga ee gobolka yeesheen, kaasoo looga hadlayay xaalada cakiran ee dalka Burundi.

Kulankaasi oo looga hadlayey xasaradda Burundi ayaa Madaxweynaha hadal uu ka jeediyay waxuu ugu baaqey shacabka iyo dowladda Burundi in ay xal u helaan colaadda dalkooda ka taagan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in waddamada xubnaha ka ah Taliska Ciidammada Degdegg ah oo Bariga Afrika ka socda u xil ka saaran yahay inay Burundi ka taageeraan sidii nabad loogu soo afjari lahaa xasarrad dalkooda ka aloosan.

Waxaa sidoo kale maanta qabsoomey shirkii 55-aad ee aan caadiga ahayn wasiiradda arrimaha dibedda ee IGAD, kaas oo ay kaga hadleen arrimaha Soomaaliya iyo Suudaan, iyagoo soo dhoweeyay horumarka dhanka siyaasadda ee somalia ay ku talaabsatey dhowaan.

Guud ahaan Shir Madaxeedka Midowga Afrika waxaa si weyn u hareeyay xasaradaha ka aloosan Burundi iyo Koonfuurta Suudaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada