daajis.com:- Nin watay qoray been abuur ah ayaa xalay qal qal ka abuuray xarun tareenada laga raaco oo kutaala Magaalada Roma ee Caasimada dalka Talyaaniga, waxaana ninkan ugu dambeyn ciidamada booliiska ku guuleesteen in ay gacanta kusoo dhigaan.
Xarun weyn oo laga raaco tareenada ayaa mar qura lagu kala cararay waxana gabi ahaan la xiray dukaamada iyo goobaha ganacsi ee halkaasi kuyaala kadib markii goobtaasi lagu arkay nin watay qoray been ah balse dadku u qaateen qoray sax ah.
Ciidamada booliiska ayaa sameeyay howlgal balaaran ay ku baadi goobayeen ninka laga shakiyay, waxa ayna ciidamada xireen goobo badan oo ganacsi, waxaana ugu dambeyn la ogaaday in ninka qorayga watay uu tareen raacay.
Ninkan laga shakiyay ayaa markii dambe laga soo dhax qabtay tareenkii uu saarnaa xili uu marayey meel 50km u jirta magaalada Roma ee caasimada Talyaaniga, waxaana booliiska markii ay qabteen ogaadeen in qorayga uu sito uu yahay midka caruurta lagu ciyaarsiiyo.
Ciidamada booliiska ayaa markii dambe shaaciyay in ninka laga shakiyay qorayga uu watay uu yahay nuuca caruurta lagu ciyaarsiiyo uuna hadiyad ahaan ugu waday cunug uu dhalay, waxa ayna ciidana ugu baaqeyn dadka in ay is dajiyaan ayna jirin wax Qatar amni ah.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 02:00 and have

