daajis.com:- Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Banaadir ayaa wuxuu si adag uga hadlay Gabdhaha soomaaliyeed in Gabdho Soomaaliyeed la geeyo dalka Sucuudiga oo halkaasi ay ka noqdaan Jaariyad, Wuxuuna sheegay inaan dalkaasi dumarka loogu gaysto Xadgudub gaadhsan in la dilo oo aan cidna la waydiin “Gabdhaheena in lagu dulaysto, oo Lagu Faraxumeeyo Sucuudiga Raalli kama noqon karno”.
Wuxuu sheegay in hadii Jaamacada Carabtu ay sharci leedahay la dhowri lahaa, Soomaalida loola dhaqmi doono sida dad Adoomo ah, Wuxuuna madaxda Dawlada Soomaaliya waydiiyey inay Gabdhahooda u diri lahaayeen, Wuxuuna u soo jeediyey in sida ay gabdhahooda u dhowrayaan ay u dhowraan Gabdhaha Soomaalida.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Mida kale wuxuu sheegay in sucuudigu marka hore ay sharci siiso Gabdhaha Jooga dalkaasi ee maalin kasta La Caydhsanayo, Wuxuuna sheegay inay Gabdhaha Soomaaliyeed Iibinayaan dad Dilaaliin ah oo ku jira Dawlada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 00:30 and have
