daajis.com:- Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ee Xarunta maamulka Jubaland kasoo dagay laba diyaaradood oo ka kala yimid magaalooyinka Boosaaso iyo Cadaado.
Diyaarada koobaad waxaa la socday wafdigii Galmudug oo uu horkacayo madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, Diyaarada labaad waxay waday wafdigii Puntland waxaana hogaaminayay madaxweyne Cabdiweli Gaas.
Labada wafdi waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed islaan wuxuuna shir jariid oo uu ku qabtay garoonka diyaaradaha ku sheegay in magaalada Kismaayo ka furmi doono shir lagu heshiisiinayo labada madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug.
Magaalada Kismaayo ayaa laga sugayaa in Raysulwasaare Cumar Cabdirashiid soo gaadho, halka wafuuda inta hadhsan maalinta Bari ah la sugayo.
Amaanka magaalada Kismaayo iyo gaar ahaan goobta shirku ka dhacayo ayaa aad loo adkeeyay.Ciidamado ayaa la dhigay goobo badan oo katirsan magaalada kuwaas oo baadhitaano kala duwan wada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 00:26 and have
