Wasiirka arrimaha dibada Itoobiya iyo madaxda Soomaalida oo Kismaayo isugu tegay: Sawirro

Wasiirka arrimaha dibada Itoobiya iyo madaxda Soomaalida oo Kismaayo isugu tegay: Sawirro

daajis.com:- Wafuud kala duwan oo ka socda dowladdaha Federaalka, dowladdaha deriska, IGAD, beesha caalamka iyo maamulada dalka ka jira ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo oo beri la filayo inuu ka furmo shirka madasha wadatashiga qaran ee looga arinsanayo doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadkan.

Wafdiga maanta ka degay Kismaayo ayaa waxaay kala yihiin, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid, Madaxweynaha Puntland C/weli Max’ed Cali Gaas, Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, Madaxweeynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirka arimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhenon, Wakiilka Ururka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Max’ed Cabdi Afeey iyo wakiillo ka socday Midowga Yurub.

Sida ay kusoo waramayaan wariyeyaasha ku sugan Kismaayo, garoonka ayaa maanta ahaa mid aad u mashquulsanaa oo ay kasoo degayeen ergooyin kala duwan oo shirka ka qeybgeli doona.

Shirka ayaa si rasmi ah u furmi doona beri, iyadoo ay madaxda maamulada dalka ka jira ay ku kala aragti duwan yihiin hannaanka doorasho ee dalka u qabsoomi doonto iyo qaabka awood qeybsiga.

Dowladdaha deriska ee ka qeybgalaya ayaa door muuqda ku yeelan doona shirkan, iyadoo madaxda Soomaalida ay ku cadaadin doonaan in ay hal mowqif isla qaataan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada