daajis.com:- Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaalo dad badan ku dhinteen oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayay deegaano ka tirsan duleedka magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, iyadoo dagaalada u dhaxeeyay labo beelood oo horay heshiis nabadeed la kala dhex dhigay.
Dagaaladan oo socday 28-saacadood oo xiriir ahaa ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10-ruux oo labada dhinac ahaa, waxaana ku barakacay qoysas fara badan.
Wararka ayaa sheegaya in dagaaladan ay ka dhaceen deegaanka Buq-goosaar iyo tuulooyin ku dhow dhow, waxaana dagaaladan salka ku hayaan dhinac ka mid ah maleeshiyo beeleedyada oo sheeganaya maamul gaar ah, taasoo ay ka biya diidan yihiin dhinaca kale.
Odayaasha gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyay labada beelood inay jebiyeen heshiiskii xabad joojinta, waxayna odayaasha ugu baaqeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM inay kala dhex galaan maleeshiyooyinka ku dagaalamaya Galbeedka Gobolka Hiiraan.
Dagaaladan ayaa ku soo beegmaya, xilli dhowaan la filayo in magaalada Jowhar uu ka furmo shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 17:32 and have

