daajis.com:- Dibadbaxayaal ka caraysan dilkii uu Sucuudiga u gaystay wadaad caan ah oo Shiica ah ayaa waxa ay weerareen safaaradda Sucuudiga uu ku leeyahay Iiraan, waxaana la arkayey xubno ka tirsan kooxda u tababaran sida milateriga oo dhismaha safaaraddaasi ee magaalada Tahraan ku tuuraya bambooyin laga sameeyay batrool, halkaasi oo ay dibadbaxayaashu burburiyeen alaabtii taalay ayna dhismaha safaaradda dab qabadsiiyeen ka hor inta booliska Iiraan aanay kala eryin dadkaasi.
Xilli sii horraysayna dowladda Iiraan oo ah awoodda ugu ballaaran ee Shiicada dunida ayaa uga digtay Sucuudiga in ay ka shalayn doonto dilka ay u gaysatay Sheekh Nimr al-Nimr, kaasi oo loo dilay dambiyo la xiriira argagixisanimo iyo qeybtii uu ka qaatay dibaxyo ka dhan ah dowladda Sucuudiga intii uu socday Kacdoonkii Carabta.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Dilka uu Sucuudiga u gaystay Nimr al Nimr ayaa la hubay in uu ka caraysiin doono Iiraan oo isu aragta in ay mas’uul ka tahay Shiicada laga tirada badan yahay ee ku nool Bariga Dhexe.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 18:00 and have
