Xog: Shirkii 2016 ee Kismaayo oo fashil qarka u saaran (laba Arrin oo xasaasi ah oo soo baxday)

Xog: Shirkii 2016 ee Kismaayo oo fashil qarka u saaran (laba Arrin oo xasaasi ah oo soo baxday)

daajis.com:- Saxaafada  ayaa ogaatay inay suurtagal tahay inuu dib u dhaco kulanka la filayo in dhinacyada Soomaalida (Madasha Qaran) ay isugu yimaadaan magaalada Kismaayo 10-ka bishan January.

Sababta dib u dhacaan keeneysa ayaa la rumeysan yahay iney tahay, madaxweynaha maamulka Konnfur Galbeed inuu qaadaco imaanshaha magaalada Kismayo sababo la xiriira maamulka dhowaan laga dhawaaqey gobolka Bakool, oo Jubaland iyo Puntland ay gadaal ka riixayaan.

Maamulkaan oo loogu magacdarey Bakool Sare ayaa waxaa aqoonsadey maamulada Jubaland iyo dowlada Puntland taasoo salka ka haysa nidaamka qabaliga ah ee ka jira dalka Somalia.

Dhinaca kale, qodobka kale ee dib u dhacaan keeni kara, ayaa ah in ergeyga qaramada midoobey u qaabislan arrimaha Somalia ee cusub qorsheynayo in shirka Kismayo ka hor uu safaro ku baxsho qaybaha kala duwan Somalia.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Ra’isla wasaaraha Somalia ku wehelin doona safarkaan ergeyga cusub ee qaramada midoobey kuwaasoo ururin doona fikirka dhinacyada Soomaalida ay ka qabaan qaabka lagu soo xulo doono Baarlamanka 2016.

Kulanka magaalada Muqdishu lagu qabtey sanadkii lasoo dhaafey dabayaaqadiisa ayaa madaxda maamulada Somalia iyo dowlada Federaalka ku gaarin go’aan rasmiya ee la xiriira qaabka lagu soo xulayo Barlamanka Federaalka 2016.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada