daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ee magaaladaas kusugan.
Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay iney ku amreen ciidamada Kenya iney baneeyaan Dekada ama garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.
Hase ahaatee ciidamada Kenya ayaa la sheegay iney diideen dalabka saraakiisha ciidamada Itoobiya ee Kismaayo dhawaan gaaray.
Markaas kadib ciidamada Itoobiya ayaa sameeyay fal lama filaan ah, iyagoo fariisimo ka sameystay xarumo udhaxeeya ciidamada Kenya ee dekada iyo garoonka diiyaaradaha kusugan.
Ciidamada Kenya ayaa waxii markaas ka danbeeyay si dag dag ah uga baxay fariisimo muhiim ah oo ay ku lahaayeen magaalada Kismaayo, iyagoo ka cabsanaya in la go’doomiyo.
“Ciidamada Kenya waxaa ay ka baxeen xarumo badan oo ay kamid yihiin Jamacada iyo xarunta Madhamaato, waxaana dagay ciidamada Itoobiya”sidaas waxaa sheegay qof diiday inaan magaciisa isticmaalno.
Madaxda maamulka Jubbaland ayaa la ogaanayaa iney doonayaan in Dekada magaalada Kismaayo ay ku wareegaan ciidamada Itoobiyaanka ah ee Kismaayo gaaray, halka kuwa Kenya ay kusii sugnaan doonaan garoonka diyaaradaha.
Dhawaan ayay ahayd markii ay saraakiisha Kenya udiideen iney booyado biyo ah siiyaan ciidamada Itoobiya, taas oo dhalisay khilaafka ugu weyn ee labada dhinac.
Itoobiya ayaa sanadkan ah taliska sare ee Amisom, waxaana awood ay uyeelan doonaan iney maamulaan magaalada Kismaayo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:26 and have
, Published at