Abwaan Cali Sugulle oo ku geeriyooday wadana Imaaraadka Carabta

Abwaan Cali Sugulle oo ku geeriyooday wadana Imaaraadka Carabta

daajis.com:- Allaha u naxariistee Abwaan Cali Sugule oo ka mid ahaa abwaanadii Soomaaliyeed ee dalka ayaa ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta isagoo muddo dheer halkaa ku xanuunsanayay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, gudoomiyaha Baarlamanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” R/wasaaraha dalka Cumar C/rashiid ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Abwaan Cali Sugule oo ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxda dalka ayaa waxa ay eebbe uga baryeen marxuumka inuu janadii fardowso ka waraabiyo eheladii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Allaha u naxariistee Abwaan Cali Sugule wuxuu ku dhashay Magaalada Oodweyne sanadkii 1936, Dugsiga hoose Berbera ayuu waxbarasho ka bilaabay kadibna waxa uu markii dambe u wareegay dugsiga Sheekh.

Abwaan Cali Sugule waxa uu ka mid ahaa abwaanadii Soomaaliyeed ee kahor iyo kadib xornimadii dalka ka qeyb qaatay wacyigelinta bulshada waxana uu tiriyay heeso badan oo wadani ah waxaan aka mid ahaa heesihii uu alifay abwaanku:

SOOMAALIDEENNII HADDII AY SINNAATAY

SADDEXDII MAQNAANA WAY SOO SOCDAANE

WAA SUBAX WANAAGSANE

CALANKANA SALAAMAA

NIN LAGU SEEXDOW HA SEEXAN

XIL BAAD SIDDAA HA SEEXAN HA SEEXAN

SOO JEED OO SI WEYN U FEEJIGNOW

Heesta kale ee Kuluc iyo Magool ku wada luuqeeyeen.

MIDNIIMADEENNII MUGDAY GASHOO

MAGACEEN BAÈEYAY

HA MAAGINE ISA SOO MAQIIQ

HA MILDHAABENE

MAYA-DII HAA MAQAAR LAA SAARAA MAYDHAANTAYEEY

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada