SAWIRO: Cali khaliif oo wada qorshe dhabar jab ku ah S/land & P/L..

SAWIRO: Cali khaliif oo wada qorshe dhabar jab ku ah S/land & P/L..

daajis.com:- Cali khaliif Galeyr Madaxweynaha Maamulka khaatuma ayaa qorshe Culus ka bilaabay isaga iyo Wafdi balaaaran magaalada Buuhoodle iyo deegaano aan ka fogeyn.

Ujeedka socdaalka Galeyr iyo Wafdigiisa ayaa ah sida maamulka Khaatumo iyo Maakhir lagu mideyn lahaa, waxaana socdaalka ku wehlinaaya Cali Khaliif Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulkiisa.

Deegaanada ay cagta mariyeen ayaa waxaa kamid ah Buuhoodle iyo Balli-cad waxa ayna dadka deegaanka ka dhaadhicinayaan inay ka shaqeeyaan sida lagu gaari lahaa hadafkooda.

Galeyr waxa uu dadka deegaanadaasi u sheegay in muhiimada socdaalkooda uu yahay sida maamul sharciyeysan loogu sameyn lahaa gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

Isaga oo la hadlaayay dadka ku nool Degaanka Balli-cad oo haatan xarun u ah maamulka Khaatumo ayaa yiri “Siyaasadeenu wey ka fogtahay in lagu hoos noolaado deegaan aan laheyn maamul waxaan u socnaa in la yagleelo maamul ka quwad badan kan hadda jira oo lagu mideysan yahay”

Galeyr waxa uu sheegay in madaxweyne Xassan uu u ballanqaaday inuu u yagleeli doono maamul sharciyeysan, waxa uuna taasi sheegay in lagu gaari karo kaliya in labada maamul la mideeyo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada