Faah faahin: Shirkii maamul u samaynta Hiiraan iyo SH/DHEXE iyo Madaxwayne Xasan Sh. oo maanta ka Furaya Jowhar

Faah faahin: Shirkii maamul u samaynta Hiiraan iyo SH/DHEXE iyo Madaxwayne Xasan Sh. oo maanta ka Furaya Jowhar

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu Maanta gaadho magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada dhexe, waxaa madaxwayne Xasan Furi doonaa shirka maamul u sameynta labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan oo la filayo in maanta si rasmi ah uu uga bilowdo magaalada Jowhar.

Dowladda Federalka ayaa go’aansatay in shirkan uu soo dhamaado ka hor bisha March ee 2016 waxaana qabsoomida shirka uu ku socdaa dardar xoog leh oo laga dareemayo magaalada Muqdisho iyo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Waxaa shalay iyo dhowrkii maalmood ee ka sii horeysayba magaalada gaarayay ciidamo gaar ah oo sugaya ammaanka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, Sidoo kale Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in wasaarada arrimaha gudaha ay diyaarisay guud ahaan agabkii loogaga baahnaa qabsoomida shirka.
Magaalada Beledweyne iyo magaalada Jowhar ayaa waxaa ku sugan siyaasiyiin dooneysa in ay ka qeybgasho doorashada xilalka ugu sarsareeya maamulka sida Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada