daajis.com:- Shaker Aamer oo ah nin u dhashay dalka Sucuudiga oo lagu hayey xabsiga Maraykanka ee Guwantanamo muddo 14 sano ah ayaa wareysi uu bixiyey uga waramay qaabka loo jirdilay iyo dhibaatada ay ku sugan yihiin maxaabiista xabsigaasi lagu hayo.
Shaker oo dhamaadkii sanadkii hore lasoo daayey ayaa ku sugan dalka Ingiriiska oo ay ku noolyihiin qoyskiisa, wuxuuna si qoto dheer uga waramay beenta Maamulka Xabsiga Guwantanamo uu u sheego caalamka iyo qaabka ay u qariyaan jirdilka loo geysto maxaabiista.
Wuxuu sheegay in jirdilka loo geysan jiray ay ku jirtay in lagu jees-jeeso diintiisa iyo Kitaabka Quraanka, falalkaasi oo ay kooxda Guwantanamo gacanta ku heysa u adeegsan jireen inay ku bahdilaan maxaabiista oo ay niyada uga jabiyaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:04 and have
, Published at