daajis.com:- Ismaaciil Qeyre Dhuxulow, oo kamid ah saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa kahadlay ciidamada dowlada Ethiopia ee dhawaan tagay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose iyo saldhigyada ay magaalada ka sameysanayaan.
Ismaaciil oo ah taliyaha amaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ee Jubbaland ayaa sheegay in ciidamo badana aysan ku sugnayn magaalada, laakiin waxaa uu sheegay in saraakiil ka socdo Ethiopia ah tageen magaalada Kismaayo.
Laakiin wuxuu wax aan wanagasan ku tilmaamay in la buun buuniyo ciidamada dowlada Ethiopia ka socdo ee tagay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose isaga oo sheegay iney la mid yihiin ciidamada AMISOM ee ka socdo dalalka kale.
Wuxuu tilmaamay in ciidamada Ethiopia ay qeyb ka yihiin howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ka socdo wuxuuna si gaar ah u sheegay iney u tagayaan Jubbaland sidii loola dagaalami lahaa Alshabaabka ku sugan Jubbada Dhexe, balse aysan jirin dano gaar ah oo magaalada ay u tagayaan.
“Ciidamada Kismaayo yimid waxay la mid yihiin kuwa ku sugan Galmudug, koofur galbeed, Muqdisho iyo Hiiraan, maxaa si gaar ah looga hadlayaa kuwa Kismaayo yimid, waxay halkaan u yimaadeen dagaalka ka dhanka ah nimankaan nabad diidka ah, mana jiro dan gaar ah”ayuu yiri Ismaaciil Qeyre.
Ciidamada Ethiopia oo gaaraya kun askari ayaa la filayaa iney tagaan magaalada Kismaayo waxayna qeyb ka yihiin ciidamo ka bilaabaya Jubbada DHexe howlgal loogu magac daray Wabiga Jubba.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:06 and have
, Published at