daajis.com:- Odayasha iyo waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa maanta gaaray deeganka Buq Gosaar ee gobolka Hiiraan halkaaso labadii maalin ee la soo dhafay u ka dhacay dagaal Culus oo u dhexeya labo beelood oo wada dega galbeedka gobolka Hiiraan.
Nabdoon Axmed Xassan Cali oo ka mid ah waxgaradka gaaray deeganka Buq goosaar ee gobolka Hiiraan ayaa Hiiraanxog u sheegay in shan ruux oo mid ka mid ah ay tahay Qof haween ah ay maanta ku aaseen deeganka Buq Goosaar oo qiyaastii 50 KM dhanka galbeed kaga began Magaalada Baladweyne isago sheegay in shantan qof ay ka dhinteen garab ka mid ah dhinacyadii labadii maalin ee la soo dhafay ku dagalamay deeganka buq goosaar .
Xaaladda deeganka buq gosaar oo labadii maalin ee la soo dhafay uu ka dhacay dagaal culus oo u dhexeya labo beelood oo wad dega galbeedka gobolka Hiiraan ayaa maanta degan kadib markii maleeshiyada ka mid ah dhinacyadii dirirtu dhaxmartay laga saaray deeganka kuwaaso hadda ku sugan meel ka baxsan deeganka lagu dagalamay.
Sido kale Nabadoon Axmed Xassan Cali ayaa sheegay in deeganka buq goosaar ay kula kulmeen dhinac ka mid ah labada dhinac ee dirirtu dhaxmartay islamarkana ay kala hadleen joojinta dagalka isago sheegay in dhinac kala ay adag tahay in ay la kulman maadaam deeganka laga saaray islamarkana ay ku sugan yihiin dhulka miyiga ee ka baxsan deeganka buq goosaar ee galbeedka gobolka Hiiraan.
Dagaalkan uu dhexeya labada beelood ee wada dega galbeedka gobolka Hiiraan ayaa soo laa laabtay iyado dagaalkii ugu dambeyay ee dhaxmara labada beelood uu dhawan ka dhacay Xaafadda Howlwadaag ee Magaalada Baladweyne
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:12 and have
, Published at