daajis.com:- Ururka Al-Shabaab ayaa soo saaray muuqaal borobogaando ah oo uu ka muuqdo ninka rajaynaya in uu noqdo madaxwaynaha dalka Maraykanka, Donald Trump.
Waxay soo qaateen baaqiisii uu dhawaan ku sheegay in Muslimiinta laga hor istaago in ay soo galaan dalka Maraykanka.
Ururka Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida muuqaalkoodani wuxuu ku wajahanyahay Maraykanka Madaw, waxayna ugu baaqayaan in ay Muslimaan oo ay ku soo biiraan Jihaadka.
Waxay sheegeen in dalka Maraykanka uu ku badanyahay midabtakoorka, tacadiyada booliiska, iyo waxyaabaha Musliminta lagaga soo horjeedo.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:08 and have
, Published at