Sacuudiga oo daldalay wadaad Shiico ah iyo Dowlada Iiraan oo Ku Hanjabtay..

Sacuudiga oo daldalay wadaad Shiico ah iyo Dowlada Iiraan oo Ku Hanjabtay..

daajis.com:- Sacuudiga, ayaa daldalay, Nimr al-Nimr oo wadaad aad loo yaqaan oo Shiica ahaa.

Wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa sheegtay inuu ka mid ahaa 47 ruux oo dil lagu xukumay kaddib markii lagu helay falal argagixiso.

Nimr al-Nimr, ayaa la xiray 2012kii, kaddib markii uu dhaliilay boqortooyada Sacuudiga, balse taageerayaashiisu, waxay sheegeen inuusan marna taageerin dagaal, wuxuuna xarigiisa horseeday dibadbaxyada Shiicada wadanka.

Warka ku saabsan dilkiisa, ayey cabasho xoog leh ka muujiyeen Iran oo gobolka kula tartameysa Sacuudiga. Wadaadka weyn ee Ayatollah Axmed Khatami, ayaa ugu yeeray dambi horseedaya burburka qoyska talada Sacuudiga haya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada