daajis.com:- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya sababta ciidanka kenya ay uga baxeyn deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo iyo Degmada Badhaadhi ee Gobalka Jubbada Hoose.
Saraakiil aad ula socda howlgalka Amisom ayaa sheegaya in seddex waxyaabood ay sabab u aheyd in ciidamada Kenya isaga baxaan saldhigyada ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.
Arinta ugu horeysa ee sababtay in ciidamada Kenya isaga baxaan Ceel-cadde ayaa lagu sheegayaa iney tahay culeeska dhanka ciidamada Alshabaab kaga yimid iyo go’doon la geliyay ciidamada, maadaama marar badan ciidamo sahay u waday waddada u galeen ciidamada Alshabaab.
Arinta labaad ee sababtay in ciidamada Kenya ka baxaan Badhaadhe iyo Ceel-cadde ayaa lagu sheegayaa iney tahay dhanka dhaqaalaha iyo iney ka fogaadaan waxyeelo kale oo ciidamada Alshabaab ay u geystaan ciidamada, maadaama deegaanada ay ku xoogan yihin.
Midda seddexaad ayaa ah xeelad dhanka dagaalka, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada difaaca Kenya oo saxaafada kula hadlay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 20:06 and have
