Ururka IS oo soo bandhigay sawirada Jihadi John kahor intii aan lagu dilin duqeyn

Ururka IS oo soo bandhigay sawirada Jihadi John kahor intii aan lagu dilin duqeyn

daajis.com:-  Ururka IS ayaa soo bandhigay sawirada Jihadi John oo wajigiisu muuqda isagoo haysto qoriga AK-47 toddobaad kadib markii uu ururku xaqiijiyay dhimashadiisa.  

Muuqaalka Mohammed Emwazi oo garweyn leh oo la aaminsan yahay goobta uu joogo inay tahay gudaha dalka Siiriya ayaa lagu faafiyay baraha bulshada maanta.

Emwazi oo ahaa 27 jir reer London ah ayaa lagu diley duqeyn ay geysteen diyaaradaha Droneska 12kii bishii November kadib markii sirdoonka Maraykanka ay ogaadeen halka isaga iyo xaaskiisa iyo ilmihiisa ay ku noolaayeen.

Toddobaadkii hoer ayaa ururka IS waxa uu ku ammaanay inuu ahaay Emwazi walaal sharaf leh halka wadamada reer Galbeedkana uu ka ahaa ninka ay ugu doondoonista badan yihiin.

Emwazi, isagoo lix sano jir ah ayay qoyskiisu u soo guureen magaalada London iyagoo ka soo guuray dalka Kuwait waxana uu ku barbaaray North Kensington.

Isagoo ay diirada sirdoonka Ingiriisku saaran tahay ayuu Emwazi ka baxsaday dalka Britain 2011,isagoo tegey caasimada Portugal ee Lisbon. Muddo yar kadib ayuu ku soo laabtay London balse ugu dambeyntii waxa uu isaga tegey dalka Ingiriiska sanadkii 2012. Markii uu ku biirey IS ayaa waxa uu ku caan baxay surgoynta dadka ururka IS uu ku xukumo dilka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada