Madaxweynaha Kenya oo xaqiijiyay in askar looga dilay Soomaaliya

Madaxweynaha Kenya oo xaqiijiyay in askar looga dilay Soomaaliya

daajis.com:- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xaqiijiyey in tiro ka mid ah ciidamada Kenya la dilay markii Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidamada Amisom ay ku lee yihiin deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in dalkiisa aysan cabsi gelin doonin Al-Shabaab. Waxa uu yiri in Kenya ay ugaarsan doonto dambiilayaashii ku lugta lahaa weerarka, islamarkaana dhiiga askartiisa aan laga dhigi doonin mid aan macno lahayn.

Waxa uu sheegay in Kenya iyo xulafadeeda ay sii joogi doonaan Somalia, si ay u gutaan waajibka ay halkaas u joogaan.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa afar baabuur oo walxaha qarxa laga buuxiyey ku weeraray albaabka xerada, waxaana kadib xigay dagaal xooggan oo dhex maray ayaga iyo ciidamada Kenya ee saldhigga ku sugnaa.

Al-Shabaab waxa ay sheegatay inay lixdan askari ku dishay weerarka.
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Maxamed Xuseen Isaaq, ayaa VOA-da u sheegay in 35 illaa 40 askari oo Kenyan ah lagu dilay weerarka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada