Madaxweynaha Kenya oo si caro leh ugu hadlay xasuuqa ciidamadiisa iyo hanjabaad uu jeediyay

Madaxweynaha Kenya oo si caro leh ugu hadlay xasuuqa ciidamadiisa iyo hanjabaad uu jeediyay

daajis.com:- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xaqiijiyey askar badan looga dilay xerada ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo, halkaasoo Al-Shabaab weerar ismiidaamin iyo mid toos ah ku qaaday.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in shacabka Kenya iyo askartooda aysan cabsi gelin doonin weerarada Al-Shabaab, isla markaana ay ugaarsan doonaan dambiilayaashii ku lugta lahaa weerarkaasi oo dhiiga askartiisa aan laga dhigi doonin mid aan macno laheyn oo meel cidla ah looga soo haro.

Waxa uu sheegay in Kenya iyo xulafadeeda ay sii joogi doonaan Somalia, si ay u gutaan waajibka ay halkaas u joogaan.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Maxamed Xuseen Isaaq, ayaa Idaacadda VOA u sheegay in 35 illaa 40 askari oo Kenyan ah lagu dilay weerarkaasi, halka ciidamada dowladda ee xeradaasi u dhawaa in aysan soo gaarin wax khasaare ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada