daajis.com:- : SawirroWaxaa maanta {Jimco} magaalada Cadaado loogu qeybiyay mushaaraadka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan magaaladaasi, waxaana kormeerayay saraakiil loo xil saaray la socodka bixinta mushaarka ciidamada.
Ilaa 230 ka tirsan ciidamada XDS ayaa la gaarsiiyay lacagihii ay xaqa u lahaayeen ee mushaarka iyadoo la marsiiyay nidaam sugan kana hufan wax isdaba marin, waxaana askartaasi ay sheegeen in mar walbo ay u taaganyihiin gudashada waajibaadka Qaran oo ay u dhaarteen.
ciidan-cadado-mushaar-5Coll. C/llaahi Yuusuf Cabdulle oo ka tirsan hogaanka sare ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegan in amar ka soo baxay taliska guud ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ah in la saxo qaabka ciidamada ay u qaadanayaan mishaaraadka Ciidamada, waxaana uu tilmaamay in saraakiisha ugu sareysa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku dadaalayaan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqda ciidamada.
Taliska Qeybta 21-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada dadaalo lagu tayeynayo Ciidamada, iyadoo lagu wado saacadaha soo socda in saraakiisha ka socota Taliska Guud ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyana ay geeyaan xeryaha kale oo ay ku jiraan Qeybta 21-aad CXDS kuwaa oo ka howlgala gobolada Galguud iyo Mudug.


_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:16 and have
, Published at