Askar Kenyan ah oo wali lagu la’yahay deegaanka Ceel-cade

Askar Kenyan ah oo wali lagu la’yahay deegaanka Ceel-cade

daajis.com:- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya, weerarkii Shabaab ay shalay ku qaadeen deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo ka tirsan, ayaa weli waxaa lagu la’yahay halkaasi Askar ka tirsan Dowladda Kenya.

Askartaan ayaa u cararay Dhanka Duurka ah, xilli ay ka baxsanayeen Shabaabka, waxaana ilaa hada aanan la ogeyn halka ay aadeen Askartaasi.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Gedo, ayaa Warbaahinta u sheegay in la la’yahay ciidamo aanan la ogeyn tiradooda oo ka tirsanaa ciidanka Kenya ee ku sugnaa Deegaanka Ceelcadde ee shalay aroortii weerarka culus Shabaab ay ku qaadeen.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al-Qaadi, ayaa xaqiijiyay in la la’yahay Askartaasi Kenyattiga ah.

Waxa kale uu sheegay saddex gaadiidka dagaalka ah oo ay wateen ciidamada Kenya inay u cararen dhanka Degmada Ceelwaaq, xilli Shabaabka ay ka baxsanayeen.
Shabaab waxa ay sheegteen inay dileen Askar gaaraysa 63 Askar oo ka tirsan ciidamada Kenya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada