Daawo Sawirro laga qaaday Xubnihii ku Sugnaa Shirkii Kismaayo ee Bur-buray

Daawo Sawirro laga qaaday Xubnihii ku Sugnaa Shirkii Kismaayo ee Bur-buray

daajis.com:- Sawirada fadhigaani ee idiin muuqda ayaa ah Fadhigii ugu danbeeyay ee sababay Fashilka Shirka Madasha Wadatashiga ee geeddi Socoda Doorashooyinka Soomaaliya 2016.

Fashilka shirkaani ayaa yimid kadib markii Maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay sheegen in ay doonayaan in sidii hore ay wax ahaadaan, isla markaana Aqalka hoose lagu soo xulo 4.5 oo ah nidaamka beelaha Afar beelood iyo beelo badan oo la isu geeyey oo qaybtooda laga dhigey kala bar kuwa kale waxay helayaan.

Aqalka sare ee Shuyuukhda ayey soo jeediyeen in lagu soo xulo nidaamka Dowlad Goboleedka, waxayna ka soo horjeesteen in 18kii gobol lagu soo xulo sida uu qabo Dastuurku.

Maamulada Jubaland iyo Puntland ayaa istaagey mowqif ah in Aqalka Hoose deegaan ay ku yimaadaan Xildhibaanadu meelna la iska dhigo Xildhibaano qabiil metalaya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada