daajis.com:- Al Shabab ayaa weerar ku qaaday saldhig ciidanka milatariga Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo ,Weerarkan ayaa ku bilowday kadib markii ay Al-Shabaab saldhiga ku weerareen Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo lagu dhuftay albaabka hore ee Saldhiga Kenya, waxaana intaasi kadib Saldhigaasi gudaha u galay Rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab.
ciidamadii Kenya ee saldhiga ku sugnaa ayaa noqday sadex qeybood ,wax la dilo ,kuwa kale oo nolol lagu qabtay iyo Firxad naftooda la baxsaday.
Mas’uuliyiinta Gobolka Gedo oo Warbaahinta la hadalay ayaa sheegay in wali aan gacan lagu haynin,meel ay raq iyo ruux joogaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada Kenya iyo Askartii uu dagaalku ku qabsaday Magaalada Ceel-Cade,Waxayna xaqiijiyeen Maamulka Gobolka Gedo in ilaa hada dhulka duurka ah laga baadi goobayo Ciidamada KDF askar ka tirsan oo firxatay.
Sida ay dadka Deegaanku Xaqiijiyeen Waxaa jira diyaarado kuwa loo yaqaano Helicapeterka oo dhulka hawdka ah wareegaya,kuwaas qayb ka ah baadi goobka Askarta Kenya,ee Dagaalkii ceel Cade lagu waayey,waxayna diyaaradahan inta badan wareegayaan dhulka Hawdka ah.
Dhanka Kale Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa Soo bandhigtay Guutadii Weerarka ku qaday Saldhigaas oo ay ugu magac dareen guutada Saalax Nabhaan,Wuxuuna ahaa Saalax Hogaamiye Kooxda Al-Shabaab ka tirsan oo diyaaradah dagaalka dalka Maraykanku ay ku dileen Soomaaliya.
Maleeshiyada Al-Shabaab waxay horay u sheegatay Weeraradii lagu qaaday ciidamada Ugandh iyo Burundi,Waxayna Sheegeen in ay Weeraradaas ugu magac dareen hogaamiyihii Al-Shabaab,Axmed Cabdi Godane.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at