War Deg Deg ah: Cali Dheera Inka Badan 100 Askari Kenyaati Ah Ayaa Ku Dilnay Dagaalka Ceel-cadde.

War Deg Deg ah: Cali Dheera Inka Badan 100 Askari Kenyaati Ah Ayaa Ku Dilnay Dagaalka Ceel-cadde.

daajis.com:- Iyadoo maalintii shalay dagaal culus oo lagu xasuuqay askarta  Kenya uu ka dhacay deegaanka Ceel-cadde oo ka tirsan gobalka Gedo ayaa waxaa dagaalkaasi ka hadlay Xarakada Shabaabul .

Afhayeenka Guud ee XSH.Cali Max,uud Raage oo warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa shaaca ka qaaday in Katiibada Saalix Nabhaan oo qaaday weerarkii shalay ay ku dileen in kabadan 100- askari ayna gacanta kudhigeen 30-meeyo gaadiidka dagaalka iyo ganiimo kale oo aad u farabadan oo Mujaahidiinta ay kula wareegeen Xerada Ceel-cade ee wilaayada Gedo.

Sh. Cali Maxamuud Raage ayaa sidoo kale fariin adag u diray dowlada iyo shacabka  Kenya’isagoona ku celiyay ineysan dowlada Kenya waxba ka garaneynin dagaalka iyo waxa uu yahay’waxaana uu intaasi ku daray in ciidamada Al Shabaab sii laba laabayaan dagaalada ka dhanka ah Nasaarada Kenya.

Hadalka Afhayeenka Xarakada Shabaab ayaa kusoo aadaya xilli maalintii shalay dagaal lagu xasuuqay askarta Kenya uu ka dhacay deegaanka Ceel-cadde ee gobalka Gedo’iyadoona deegaankaasi maalintii labaad gacanta ku hayaan ciidamada al Shabaab oo dagaal kula wareegay deegaankaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada