daajis.com:- Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedyada ee ku shirsanaa magaalada Kismaayo ayaa laga celiyay maanta garoonka diyaaradaha xilli ay doonayeen inay ka dhoofaan oo kadib markii ay wax go’aan ah ku gaari waayeen magaalada Kismaayo, laakiin waxaa garoonka isla markaa ka degay safiir farriin uga siday beesha caalamka oo gaarsiiyay amar ka reebay inay raacaan diyaaradihii qaadi lahaa, waxayna dib ugu laabteen magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynayaasha maamulada Puntland, K/Galbeed, Jubba iyo Galmudug waxaa farriinta Beesha caalamka saaka gaarsiiyay Safiirka Imaaraadka Carabta u jooga Soomaliya oo isla saaka ka degay magaalada Kismaayo, wuxuuna u sheegay inay beesha caalamka u soo wakiilatay farriin ah : “INAYSAN KISMAAYO KA TEGI KARIN IYAGOO AAN GAARIN HESHIIS” ku saabsan qaabka doorashada dalka ee 2016.
Xaaladaas ayaa ku qasabtay in qaar ka mida madaxda Soomaalid oo markaas ku sugnaa Garoonka diyaaradaha ay dib ugu laabtaan magaalada, waxaana diyaaradihii soo qaadi lahaa ku soo baxay xildhibaano soo gaaray Muqdisho.
Xaaladda ayaa cakiran waxaana si cad u soo shaac baxday awoodda beesha caalamka oo ka careysan in xilligan oo waqtigu yar yahay ay madaxda Soomalida heshiin waayaan, ayna dhinac socoto iyadoo askar badan oo AMISOM ah lagu leynayo Soomaaliya.
Shirka Madasha ee Kismaayo ayaa la isku afgartay in Bisha Febraayo aakhirkeed shir kale la isugu yimaado Muqdisho si loo xaliyo is mari waagga ka taagan qaabka doorashada, laakiin waxaa xaalada bedelay amarka beesha caalamka.
Xigasho: Goobjooge.com
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:39 and have
, Published at