Haweeneydii u horeysay oo Madaxweyne loo doortay Taiwan

Haweeneydii u horeysay oo Madaxweyne loo doortay Taiwan

daajis.com:- Tsai Ing-wen ayaa loo doortay Madaxweynaha Taiwan, iyadoo noqotay haweeneydii u horeysay oo Madaxweyne noqotay.

Haweeneydan oo 59 jir ah ayaa ka mid aheyd Xibsiga gobonimo doonka ee DPP, kaasoo doonaya inay ka go’aan Shiinaha.

Shiinaha ayaa u arka Taiwan Gobol ka tirsan, balse ka fallaagoobay, waxaana xisbiga la wareegay talada dalkaas ee DPP loo arkaa inuu qaadi doono tallaabooyinka madax banaanida Taiwan

Tsai Ing-wen ayaa ugu baaqday dowladda Shiinaha inay ixtiraamto madax banaanida, isla markaana wax kasta oo carqalad keeni kara cilaaqaada labada dhinac laga hortago.

Waxaa ay u mahad celisay dowladaha Mareykanka iyo Japan, taageeda ay siiyeen Xisbigeeda.

Dowladda Shiinaha ayaa si dhow isha ugu heysay doorashada Taiwan, waxaana xisbiga laga guuleystay lagu tilmaamay inuu xiriir dhow la lahaa Shiinaha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada