daajis.com:- Abdikadir Mahamed Yussuf (49-jir) ayay warbaahinta Norway qorayaan in uu iska casilay xilkii imaamnimada ee uu ka hayay masjid ku yaal magaalada Kristiansand ee dalkaasi Norway.
Imaamka ayaa la dabadhigtay kaddib markii uu dhawaan sheegay in caruurta muslimiinta ah aysan habooneyn in ay ka qeybgalaan festooyinka loo yaqaan "dhalashada" ama af-norwiji marka loo dhigo noqoneysa "bursdagsfester".
Waxaa uu sidoo kale imaamku sheegay in aysan sidoo kale habooneyn in gaalada loo hambalyeeyso xilliga dabaadegga diimahooda sida dabaaldegga "Chrismaska".
Imaamka ayaa markii uu xamili waayay cadaadiska warbaahinta waxaa uuka cudur-daartay hadaladii kasoo yeeray ee ay dadku sida khaldan u fahmeen kuwaa oo ay dadka norwijigu u arkeen kuwo kala geynaya bulshada.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:27 and have
, Published at