Xoosh Jabriil: “Waan u jeednaa waxa ka Kismaayo ka socdo waa Sambuus afar gees leh”

Xoosh Jabriil: “Waan u jeednaa waxa ka Kismaayo ka socdo waa Sambuus afar gees leh”

daajis.com:- Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka fedaraalka Soomaaliya ayaa rajo xumo ka muujiyay shirka madaxda dowladda iyo kuwa maamul goballeedyada uga socda magaalada Kismaayo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in waxa ka socda Kismaayo ay la mid yihiin Sambuus afsr gees ah sidda uu hadalka u dhigay.

“Waan u jeednaa waxa ka Kismaayo ka socdo waa Sambuus afar gees leh, Waxa la isku heesto waa 4.5 iyo Deegan, waxaana aamin sanahay in waxbo aaney ka immaan doonin halkaas” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Mar uu ka hadlaayay Shabaab in wadahadal lala kari karo iyo in kale, wuxuu sheegay xildhibaanka Shabaab in aan looga adkaan karin kaliya xeelad dagaal, wuxuu soo jeediyay in xeelad siyaasad lala furo oo waliba diplomaasi ah.

Xildhibaan Xoosh Jibriil ayaa soo jeediyay haddiiba muddo korarsi ay jirto in loo kordhiyo baarlamaanka iyo Aqalka sare oo la dhisaay la iskuna daro si ay u soo baxdo hannaan ka sii fiican kan hadda jira.
Xildhibaanka waxaa kaloo uu soo jeediyay in la dhiso xukuumad ka fiican tan hadda sidda uu hadalka u dhigay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada