daajis.com:- Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi Xerow oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in loo badan yahay xubnaha madasha Wadatashiga qaran ay isku raacaan in la qaato nidaamka 4.5.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii shirka uu xalay bur-buray, balse madaxda Soomaalida ay mar kale isku soo celisay beesha caalamka, Waxuu sheegay in qaabka hadda ay wax uga socdaan magaalada Kismaayo ay u muuqato mid laga tallaabayo hab deegaan “Weli shirka waa uu socdaa go’aan lagama gaarin laakiinse waxaa loo badan yahay in lagu heshiin doono habka 4.5, qaab deegaan ma filayo inkastoo weli go’aan la gaarin laakiinse qaabka qabiilka ayaa xooggan” ayuu yiri xildhibaanka.
Xildhibaanka ayaa sheegay hadii ay dhacdo in lagu heshiiyo 4.5 in hadana la’is weydiin doono qaabka uu noqonayo habkaasi iyo cidda soo xuli doonta xildhibaannada iyo arrimo kale.
Dhinaca kale Farshaxanka Soomaaliyeed ee Amin camir ayaa soo bandhigay sawir gacmeed lagu cabiray mashaqada ka taagan Kismaayo iyo sida ay madaxda DF iyo kuwa Gobolada ugu adeegayaan Dowladaha deriska la ah Somalia.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:42 and have
, Published at