daajis.com:- Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu xarigga ka jaray xarunta cusub ee cilmiga dhaqanka fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed,
Mudane Xasan Sheekh ayaa sheegay in wadamada dunidu ka jira ay ku horumareen afkooda hooyo, isagoo xusay in Dowladda ay ka go’antahay sidii ay u horumarin laheyd Afka-Soomaaliga.
Wuxuuna madaxweynuhu Maamuladda dalka ugu baaqay in Xafiisyada Dowladda looga baahaan yahay in mudnaanta koowaad ay siiyaan Afka hooyo,islamarkaana qoraalada ay dirayaan ku muujiyaan kuna qoraan farta Soomaaliga.
Madaxweynaha ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay meel kasto oo ay dunida ka joogaan sanadguurada ka soo wareegtay xuska maalintii la qoray Afka- Soomaaliga, wuxuuna kula dardaarmay iney sare qaadaan qiimaha uu leeyahay Afka hooyo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 00:11 and have

