daajis.com:- Waxaa Deegaanada ke xeeran Tuulada Ceelcadde ee Gobolka Gedo sii kordhaya Duqeymaha Diyaaradaha dagaalka Dowladda Kenya ay ka wadaan Gobolada Gedo iyo Jubada Hoose, iyadoo Dowladda Kenyana ay sheegayso inay bartilmaameedsanayso goobo ay ku sugan yihiin Shabaab.
Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Degmada Garbahaareey ayaa si kulul waxa ay uga hadleen Duqeynta aanan loo meel dayin ee Diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ay ka wadaan Gobolka Gedo.
Maxamed Mahad oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo, ayaa sheegay Dowladda Kenya inay si xaqdaro ah u laynayso dadka shacabka ah iyo kuwa reer miyiga ah ee ku nool Gobolka Gedo.
Waxa ay Kenya ku mar marsiyoonaysa ayuu yiri Sarkaalkaan in Diyaaradaha Kenya beegsanayaan Ciidamada Shabaabka, maadaama Shabaab ay haystaan ciidan u dhashay dalka Kenya oo ay Afduub ahaan gacanta ugu hayaan, taasi macnaheeda ma’ahan buuyiri inay laayaan oo ay toogtaan Dad iyo Xoolo cidwalba ee diiradooda soo gasha.
Duqeymihii ugu dambeeyay ee shalay ka dhacay Gobolka Gedo ayuu sheegay in lagu dilay 12 ruux oo Rayid ah iyo Xoolo isugu jira Ari iyo Lo’ intaba.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK._____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 17:42 and have

