daajis.com:- Xiisada colaadeed oo u dhaxeeya maleeshiyaad ka wada tirsan taageerayaasha Itoobiya ayaa taagan deegaano iyo degmooyin katirsan gobolka Bakool.
Wararka ka imaanaya degmada Ceelbarde ayaa sheegaya in laba maleeshiyo oo Itoobiya wada taabacsan ay isku hor fadhiyaan degmada kadib khilaaf xooggan oo soo kala dhaxgalay.
Xiisadaha colaadeed ayaa sii xoogeystay kadib markii daba yaqaadii bishii lasoo dhaafay maamul loogu magac daray Bakool sare looga dhawaaqay degmada Ceelbarde,maamulkan ayaa si toos ah u hoos tegaya maamulka degmada Godeey ee Xabashida Itoobiya gumeysato.
Xildhibaan iyo saraakiil katirsan DF-ka ayaa isku dayay in ay booqdaan Ceelbarde balse waxaa is hortaag ku sameeyay maleeshiyaad kale oo degmadaasi gacanta ku haya.
Boqolaal askari oo diyaarado looga daad gureeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa maanta duhurkii gaaray gudaha Ceelbarde.
Dagaal Ooge Axmed Madoobe ayaa saanado hub ah iyo maleeshiyaad ku Daad gureeyay Ceelbarse si uu taageero usiiyo maamulka Bakool sare isku magacaabay.
Col.Cabdi Wahab Aadan oo katirsan saraakiisha maamulka Jubbaland isku magacaabay ayaa xaqiijiyay in diyaarad sidday 200 oo askari ay ka duushay magaalada Kismaayo.
Gobolka Bakool oo intiisa badan gacanta Xabashida Itoobiya ku jira waxaa lagasoo sheegayaa gabood fallo ka dhan ah shacabka muslimiinta,Itoobiya ayaa dadaal ugu jirta sidii dhulka soomaligalbeed ee gumeysiga kujira ugu darsan laheyd degmooyinka kala ah Ceelbarde iyo Yeed waana dhul boob hor leh oo cadawgu ku dhaqaaqayo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at