daajis.com:- Sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in uu si wanaagsan u taaba galay heshiis si buuxa u dhex maray kooxda Al-shabaab iyo Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.
Khilaafka soo kala dhex galay ururka Al-shabaab gudihiisa oo ay ka soocmeen koox la magac baxday Daacish oo uu hogaaminayo sh. C/qaadir Muumin ayaa waxay soo banaan saartay in la helo sir qarsooneyd oo mudo hadalhaynteedu ay jirtay.
Xogta laga helay wadaadka waxay sheegeysaa. In puntland oo ay matalayaan. Gaas iyo Imam C/wahab maxud Gurey, iyo Al shabaab oo ay matalayeen sadex nin oo reer mahad ah. Adan C/salan, Binu maxmed, iyo sheekh Jamac C/salaan oo xiligaas ku sugnaa Barawe khadka talefanka kaga qeyb galay. Qodobada lagu heshiiyay waxay yihiin sidatan. 1) 2).
1. In Puntland ay ururka Al-shabaab u sii deyso Toban maxbus oo ku xirnaa puntland oo uu ku jiro taliyihii Amniyaadka gaadiidka dowladana lagu geeyo koofurta Galkacyo weyna fushay arrintas.
2. In la wiiqo Awooda ciidanka Darawishta si aaney ugu soo duulin. Shaqadana laga Eryo laba nin oo aad ula dagaalami jiray, sida Gen. Muxyadiin Gacmey iyo Cabdi yare.
3. In Puntland ay joojiso baraha kontoroolada iyo dariiqyada aada deegaamada ay ururku degan yihiin iyo guud ahaan kuwa la dhigo magaalooyinka gudahooda.
4. In ururka Al-shabaab awood u yeesho goob ka mid ah badda Cas oo aan la magacaabin in ay danahooda ka fushadaan, gaar ahaan marka ay wax dhoofinayaan ama la soo degayaan.
5. Ugu dambeyn waxay Ballan qaadeen ururka al-shabaab Iney joojinayeen Howlgaladooda ku wajahan Puntland gudaheeda, ashay
Guud ahaan heshiiskan ayaa ilaa iminka wuxuu ku socdaa in Labada dhinacba ay u filiyaan sidii loogu tala galay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:37 and have
, Published at