daajis.com:- Sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya deegaanka Bu’qowsaar ee gobalka Hiiraan waxaa halkaasi ka soconayo dagaal u dhaxeeya Beello dhawaan lagu heshiisiyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Dagaalkaan oo ka soconaya dhul baadiye ah ayaa la sheegayaa inuu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.
Lama oga khasaaraha guud inta uu la egyahay, hase ahaatee dad ku sugan halka lagu dagaallamayo ayaa u sheegay badweyn.com in rasaas culus la’isku adeegsaday.
Deegaankaan lagu dagaallamayo waxa uu qiyaastii 50 KM dhanka Galbeed kaga beegan yahay magaalada Baladweyne ee xarunta u ah gobalka Hiiraan.
Beelahani ayaa dhawaan waxaa lagu heshiisiiyay xaafadda Howlwadaag ee Baladweyne ka dib markii dagaal dhiig badan ku daatay uu dhex maray.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in dagaalkaan uu dib u billawdo, xaaladana weli waa mid kacsan.

Warkaan Wixii kasoo kordha naga fillo insha’allah
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at