Qarax Xoogan oo Ka Dhacay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga (VIDEO)

Qarax Xoogan oo Ka Dhacay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga (VIDEO)

daajis.com:- Qarax Xoogan oo maanta ka dhacay Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa waxaa la soo sheegayaa inay ilaa iyo hadda la hubo in ay ku geeriyoodeen dad gaaraya ilaa 10 qof sida ay baahiyeen Warbaahinta ka howlgasha dalka Turkiga.

Qaraxa ayaa dhacay saakay subaxii saacada dalka Turkiga markii ay aheyd abaarihii 10:00 subaxnimo waxaana uu qaraxani ka dhacay goob taariiqi ah, oo ku dhow masjidka Blue Mosque ee magaalada ganacsiga ee Istanbul.

Gaadiidka gurmadka deg dega iyo ciidamo badan oo Booliska ka tirsan ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna gaadiidka ambalaaska daabulayaan dadkii ku dhaawacmay qaraxa.
Hoose ka Daawo


Booliska Dalka Turkiga ayaa isku gadaamay goobtii uu qaraxu ka dhacay, iyadoona loo diiday cid walba oo doonaysa inay gaarto goobtaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada