Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo tagaya Puntland

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo tagaya Puntland

daajis.com:- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda faderaalka ah ee Soomaaliya,Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa la filaya inuu tago magaalada Boosaaso oo u ku sugan-yahay madaxweynaha Puntland.

Waxaa ku wahelin doona safarkan ra’iisul wasaaraha xubno ka socda beesha caalamka,waxaana lugu sheegay ujeedka ugu weyn inuu yahay sidii Puntland loogu qancin lahaa diidmadeeda ku aadan habka la go’aamiyay in loo qabto doorashada dalka ka dhacaysa.

“Ra’iisul wasaarah sida qorshaha uu yahay,wuu tagaya Puntland,waxaana ujeedku yahay si xal looga gaaro cabashada Puntland ee ah in aan wax lagu qeybsan afar iyo bar oo la sheegay in lagu soo xuli doono aqalka hoose ee baarlamaanka soo socda,”sida waxaa u sheegay Raxanreeb sarkaal ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Gaas ayaa shir saxaafadeed ku sheegay inaysan qaadan doonin go’aanka laga gaaray doorashada dalka ka dhacaysa,waxuuna marka carabaabay inuu tallada uu ku celinayo shacabka Puntland.

Isku soo baxyo hadalka lugu taageerray ayaana shalay ka dhacay meelo badan oo ka mid ah Puntland,waxaana ay ku celiyeen shacabka ku nool Puntland marna inaysan aqbali doonin nidaamka 4.5 in lugu noqdo oo hab qabaa’il dowladda lugu soo dhiso.

Lama saadalin karo sida wafdiga uu hoggaaminayo Cumar Cabdirashiid oo isba ka soo jeeda Puntland uu uga qancin karo dadka iyo dowladda Puntland inay aqblaan nidaamka ay ogalaaden maamullada kale,dowladda faderaalka iyo beesha caalamka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada