daajis.com:- Waxaa goordhaw qarax xoogan iyo rasaas toos ah lagu weeraray masaajid kuyaala magaalada Maxasen ee gobalka Al-Ahsa ee Bariga Boqortooyada Sucuudiga.
Qarax xoogan ayaa lagu weeraray masaajid lagu magcaabo Imam Rida, waxaan qarax kadib la maqlay rasaas xoogan ay furayeen dabley hubeesan oo iyana weerar ku qaaday dhismaha masaajidka.
Ku dhawaad 5-qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qarax iyo rasaasta lagu weeraray masjidka Imam Rida ee kuyaala magaalada Maxasen, waxaan xiligan la maqlayaa rasaas ka dhaceysa dhismaha masjidka la weeraray.
Xaalada halka uu kuyaala masjidka la weeraray ayaa ah mid kacsan, waxaana halkaasi buux dhaafiyay ciidamada amaanka boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxaan laga cabsi qabaa in qasaaraha ka dhasay weerarkan uu kordho.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:05 and have
, Published at